Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo madaxda xafiiska Bangiga Aduunka (World Bank) u qaabilsan mashruuca Nagaad ee lagu horumarinayo kaabayaasha Muqdisho.
Hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo agaasinka guud ee hawlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal-waara loogu heli lahaa biya-mareenada magaalada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystirayo iyo qorshaha lagu dhisayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha Feberaayo la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.
Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dardar-gelinta qorshaha lagu dhisayo biya-mareennada caasimadda, si xal-waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha magaalada Muqdisho xilli roobaadka, isaga oo faray madaxda hawlaha guud iyo hay’addaha in sida ugu dhaw loo billaabo dhisamaha biyo-mareennada magaalada Muqdisho.














