Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha waddooyinka laamiga ah ee degmada Xamar-weyne.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, soo celinta bilicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka caasimadda, waxa uuna xusay in degmada Xamar-weyne ay tahay degmo fac-weyn oo taariikhi ah, isla markaana loo baahan yahay in laga wada qayb qaato horumarinteeda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Jiriil Cabdirashiid ayaa ku boogaadiyay maamulka gobolka Banaadir qorshayaasha horumarineed, gaar ahaan dib-u-dhiska waddooyinka, waxa uuna ku dheeraaday taariikhda iyo muhiimadda ay waddadan u leedahay bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.
Odayaasha dhaqanka iyo bulshada degmada Xamar-weyne ayaa ugu mahad-celiyay guddoomiye Maxamed Amiir dadaalada uu ku bixinaayo dib-u-dhiska waddooyinka laamiga ah, iyaga oo xusay inay doorkooda ka qaadan doonaan ilaalinta waddooyinka, nadaafada iyo bilicda.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee G/Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Gguddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta mudane C/casiis Maxamed Cusmaan, madaxa mashruuca Nagaad ee Soomaaliya Maxamed Nuur Cadde, Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne mudane Cusmaan Muriidi Cali, agaasimeyaal, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada.

























