Shiinaha oo sheegay inuu gurmad soo gaarsiinayo Soomaaliya

0
259

Ergayga gaarka dalka Shiinaha ee geeska Africa oo sheegay in shiinaha uu garab weyn ku siinayo Soomaaliya gurmadka abaaraha.

Ergayga gaarka ee dawladda Shiinaha u soo magacawday dhawaan geeska Africa, Xue Bing ayaa maanta oo Khamiis ah mas’uuliyiinta sare ee dawladda Somaliya ula qaatay kulamo kala duwan, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyo badan oo beeraha, kalluunka iyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Ergayga oo shir jaraa’id ku faah-faahiyey kulamada uu la qaatay madaxda Qaranka ayaa sheegay in amniga, nabbadda iyo hurumarka dalka Sooomaaliya iyo guud ahaan tan gobalka geeska Africa ay ku falan-qeeyeen, isagoo xusay in Shiinaha ay ahmiyad weyn uga fadhiso xal u helida xasaradaha ka jira gobalka.

Mr. Bing waxa uu xusay in gobalka ay ka jiraan colaado, abaaro iyo fara-gelin shisheeye.
Ambassador Bing waxa uu sheegay in Shiinaha ay ugu deeqeen Soomaaliya kaalmo bani’aadinimo, si gaara cuno u dhigan lacag dhan 5 milyan oo RMB ah( lacagta Shiinaha).

Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa dhankiisa sheegay in kullamadii ay maaanta la yeesheen Madaxweynaha, ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha dibbada dalka ay ku soo dhamaadeen guul iyo is-afgarasho.l

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here