Guddoomiye Muungaab oo lagu soo dhaweeyay Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar: SAWIRRO

0
184

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane 𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 (𝐌𝐮𝐮𝐧𝐠𝐚𝐚𝐛) ayaa lagu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, isaga oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Xafiiska sii baneenaya, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫.

Guddoomiye 𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 (𝐌𝐮𝐮𝐧𝐠𝐚𝐚𝐛) ayaa inta uu ku sugnaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu booqday xafiisyada guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale, waxa uu kormeer ku tagay xarumaha Agaasinka Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka iyo Gurmadka Deg-degga ah, halkaasoo ay warbixin ku siiyeen agaasimeyaasha kala duwan ee waaxyaha, waxa uuna xarunta taliska ciidanka illaalinta deegaanka Xamar, salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka illaalinta deegaanka Xamar ee (Municipio).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here