Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda. Waxaana xilkii guddoomiyaha degmadaas laga qaaday Marwo Seynab Maxamuud Warsame.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee degmada Warta Nabadda in uu mudnaan siiyo harumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa noqonaya midkii saddexaad oo uu magacaabo Guddoomiye Muungaab tan iyo intii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu ku sheegay isbeddeladaan kuwo lagu xaqiijinayo horumarinta adeegyada loo qabto shacabka ku nool magaalada Muqdisho.













