Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan ayaa looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh maamulka gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo caasimadda Muqdisho.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka agaasimeyaasha guud iyo agaasime waaxeedyada maamulka gobolka Banaadir, si loo xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo, isla markaana ay hawlwadeennada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.


































