Guddoomiye Muungaab oo Degmada Yaaqshiid uga Qayb-galay Wacyigelin ku saabsan Doorashooyinka tooska ah: SAWIRRO

0
153

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb-galay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan Is-diiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay is-diiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasoo qayb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay u soo doortaan hoggaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gacanta shacabka ay ku jirto Muqdisho oo hesha maqaamkeeda, isla markaana la mid noqota maamul goboleedyada dalka, taas oo lagu gaari karo in bulshada ay u dareeraan goobaha is-diiwaan-gelinta si ay u soo doortaan golayaashooda deegaanka.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha JFS, waxa uuna shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan horumarka iyo amniga ka jira Muqdisho, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyadoo la taageerayo dagaalka ay ciidamada xooga iyo kuwa deegaannada kula jiraan kooxaha Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal-dhaqan, Culumaa’uddiin, Bahda Waxbarashada, haweenka, dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here