Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Xerada Ciidamada dowladda ee Billi-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaalkiisa Xerada Billi-doogle waxaa ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo xubno kale.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ka ambabaxay magaalada muqdisho ayaa ujeedkooda waxaa uu u yahay inay u kuurgalaan xaalada Ciidamada ku sugan Xerada maadaama dhawaan Ciidamada Mareykanka ee xeradaas ku sugan ay ka baxayaan.
Ra’iisul WasaareRooble ayaa haatan waxaa uu kulan la leeyahay Saraakiisha Ciidamada mareykanka uu tababaray eek u sugan Xerada Ciidamada ee Balli-doogle, iyaga oo ka wada hadlaya sida lag yeelayo Ciidamada iyo fulinta howlgallo maadaama ay Ciidamada yihin kuwo uu Mareykanka tababaray.













