Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta isgoyska Banaadir iyo degmada Wadajir, taasoo sii marta isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suuro-galiya isku-socod hagaagsan, isagoo xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee magaalada Muqdisho, uuna maamulka gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.
Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Wadajir, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.
















