Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay midowga musharixiinta

0
366

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubnaha midowga musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle.

Waxeey ka wada hadleen sadii xal looga gaari lahaa dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho, arrimaha doorashooyinka iyo in si wada jir ah looga shaqeeyo xasiloonida magaalada.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii looga wada Shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta magalaada Caasimadda ah, lagana hortago waxkasta oo keeni kara dhibato.

Waxuu intaas ku daray in madaxda ay isla garteen in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here