Kooxda Paris Saint-Germain oo 5-0 ku qaadday koobka horyaalka Yurub, kaddib markii ay xasuuqday kooxda Inter Milan: SAWIRRO

0
185

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub ee UCL, markii ay xalay 5-0 uga badisay kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Inter Milan oo ay isugu soo hareen cayaarta kama dambeysta ah (Final-ka) koobkan.

Ashraf Hakimi oo daqiiqadii 12-aad goolkii ugu horreeyay uu dhaliyay kooxdiisa PSG, waxaana weeraryahanka 19-ka ah ee Désiré Doué ayaa kooxdiisa laba gool u dhaliyay, waxa uuna noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa ee laba gool ka dhaliya cayaarta kama dambeysata ah ee koobkan, marka laga soot ago Eusebio oo u cayaarayay kooxda Benfica oo 5-3 ay uga guuleysatay kooxda Real Madrid sanadkii 1962-kii.

Kooxdan laga leeyahay Qatar ee PSG ayaa waxay dadaal ku bixinayso muddo toban sano ka badan sidii ay ugu guuleysan lahayd koobkan, iyadoo la soo wareegtay cayaaryahannada ugu waaweyn dunida oo ka mid yihiin; Lionel Messi, Neymar, Zlatan Ibrahimovic iyo Kylian Mbappé, kuwaas oo dhammaantood kooxda ka tagay, kaddib markii ay koobkan ku guuleysan wayday.

Laakiin kooxda ayaa iska dhaaftay laba sano ka hor inay lasoo wareegto cayaartoy waaweyn, waxayna door-bideen inay lasoo wareegaan cayaaryahanno da’ yar, waxaana u suurogashay PSG inay hadda noqoto horyaalka Yurub; waxaana tani ay timid iyadoo hal sano oo qura uu ka maqan yahay cayaaryahan Mbappé oo ku biiray kooxda Real Madrid xagaagii hore isagoo damacsanaa inuu ku guuleysto Champions League.

Kooxda PSG ayaa waxay noqonaysaa kooxdii labaad oo Faransiis ah oo ku guuleysata koobkaan UCL, kaddib kooxda Marseille in 1993 oo koobkaan ku guuleysatay sanadkii 1993-kii, waxaana tababaraha PSG Luis Enrique ay u noqonaysaa markii labaad oo koobkaan ay ku guuleysato koox uu tabbabare u yahay, isagoo ahaa tababarihii kooxda Barcelona oo sanadkii 2015-kii ku guuleysatay koobkan.

“Waxaan sameynay taariikh, magacyadeenna waxaan ku qornay taariikhda kooxdan,” sidaas waxaa yiri Hakimi oo ku daray hadalkiisa; “Muddo dheer kooxdan waa u qalantay inay koobkan qaaddo, aad ayaan u faraxsanahay, waxaan abuurnay qoys weyn.”

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray; “Luis Enrique waa ninka wax walba ka beddelay kooxda PSG tan iyo markii uu halkan yimid, waxa uu beddelay qaabka kubadda cagta loo arko, waa nin daacad ah, wuu ka mudan yahay qof kasta oo kale.”

Dhanka kale, munaasabadda bixinta koobkan waxaa goobjoog ka ahaa taageerayaasha qaar ka mid ah PSG oo xalay joogay garoonka Bayern Munich ee dalka Jamalka oo ay cayaartu ka dhacday, waxayna si weyn ula farxeen cayaartoyda kooxda iyagoo lulaya calamo, baaruud kor u tuurayay, isla markaana quusiyay kooxda ay xafiiltamaan ee Inter, kuwaas oo taageerayaashooda intooda badan ay ka tageen garoonka ka hor inta aysan cayaartu dhammaan.

“Waa farxad weyn oo isku dhaf ah, dhammaan shucuurteennii ayaa sare u kacday,” ayuu yiri daafaca kooxda PSG Marquinhos. Isagoo intaas ku daray; “Muddo ayaan u soo dadaalaynay guushaan, laakiin kooxdan waa middii aan kusoo koray, waxaan ka fikiraa dhammaan ciyaartoydii soo martay kooxda ee aan guulaysan kuwaas oo ay ka mid yihiin; Lucas, Zlatan, Cavani iyo Di Maria; balse waxay qayb ku leeyihiin guusha aan caawa gaarnay.”

Kooxda PSG ee koobka ku guuleysatay ayaa waxay la hormartay goolkii ugu horeeyay ee fiinaalka koobkan Champions League laga dhaliyo tan iyo sanadkii 2019-kii, waxaana goolasha ay kooxdan ku badisay u kala dhaliyay; Asharf Hakimi oo dhaliyay goolkii koowaad daqiiqadii 12-aad, Désiré Doué oo dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 20-aad iyo midkii saddexaad oo uu dhaliyay daqiiqadii 63-aad, Kvaratskhelia oo dhaliyay goolkii afaraad daqiiqadii 73-aad iyo Mayulu oo isna dhaliyay goolkii guusha ee shanaad daqiiqadii 86-aad.

“Ma hayo erayo aan ku cabiro dareenkayga. Guushani waxay ii tahay wax cajiib ah, mid aad cajiib u ah,” ayuu yiri Doué. Isagoo wariyihii wareysanayay ku yiri; “Ma hayo erayo aan iraahdo ee iga raali ahoow.”

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay koox ka dhisan Yurub ay koobkan ku qaaddo 5 gool oo ay iyadu dhalisay, isla markaana aysan jirin gool laga dhaliyay, waxaase jirtay in 4-0 horay ay koobkan ugu qaadday kooxda AC Milan sanadihii 1994-kii iyo 1989-kii; sidoo kale kooxda Bayern Munich ayaa sanadkii 1974-kii iyadana 4-0 ku qaaday koobka horyaalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here