Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimayaal: SAWIRRO

0
269

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magacaabay mas’uuliyiin cusub, waxaana xubnaha uu magacaabay ay kala yihiin:

1. Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, waxaana xilkii laga qaaday mudane, Maxamed Yuusuf Nuur.

2. Mudane Axmed Cabdisalaan Cusmaan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Teknolojiyada iyo Logistikada Gobolka Banaadir, waxaana xilkii laga qaaday mudane, Yuusuf Cabdi Calasoow.

3. Mudane Cabdirashiid Maxamed Xuseen, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday, Marwo Sowda Xuseen Suudi.

3. Mudane Nuur Xuseen Xasan, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday mudane, Maxamed Cabdi Cujub.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here