Duqa Muqdisho Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Jabuuti ee Somalia+Sawiro

0
337

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.

Kulan ay labada mas’uul wada qaateen ayaa ugu horeyn waxa uu Danjire Maxamed-Rashiid ugu Hambalyeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) in markale uu hogaanka u qabto Maamulka Gobolka Banaadir, Asigoona sidoo kale soo gaarsiiyay salaan uu ka siday Duqa Caasimada Djabouti.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab, taageerada Dowladda Jabuuti ee la garab taagan tahay Soomaaliya (Hiil-Walaal), Isdhaafsiga khibrad, aqoon ee dhanka horumarinta Caasimadaha iyo sidii loogu shaqeyn lahaa mataaneenta Labada Caasimadood ee Jabuuti iyo Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here