Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga Qaran ee ka talo-bixinta Saxmadda Gaadiidka iyo Waddooyinka Xiran: SAWIRRO

0
190

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddiga Heer Qaran ee u xilsaaran kasoo talo-bixinta sidii xal-waara loogu heli lahaa saxmadda gaadiidka iyo xirnaashiyaha waddooyinka Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay dib-u-qaabeynta isticmaalka waddooyinka, xoojinta u-hogaasamidda shuruucda waddo-marista, ka-baaraan-degista sidii loo furi lahaa waddooyinka xiran ee aanay caqabadaha amni ka imaanayn iyo hubinta dhaqangelinta go’aamadii hore loogu joojiyay soo-dejinta Bajaajyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay talo-soo-jeedinta guddiga, iyadoona la isla qaatay in waqti iyo dadaal fiican la galiyo si xal-kama-dambeys ah loogu helo ciriiriga iyo caqabadda waddo-xumo ee ka jirta Caasimadda.

Ugu dambeyn, Guddigan oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka kooban Wasaaradda Amniga XFS, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here