Guddoomiye Madaale oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Tallaalka iyo Dawooyinka ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
225

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay xarunta keydka tallaalka iyo daawadda ee gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada bulshada gobolka Banaadir, gaar ahaan caafimaadka, iyadoo xaruntan ay sahlayso in la helo keyd talaal iyo daawooyin si ay u fududaato adeegyada caafimaad ee laga fuliyo degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada, agaasimaha agaasinka caafimaadka, madaxda iyo hawl-wadeennada xarumaha caafimaadka gobolka Banaadir, agaasimeyaal iyo xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here