Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ee maanta la doortay, kuwaas oo kala ah; Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Marwo Amran Axmed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, iyo Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad.
โDoorashada hoggaan sharci-dejin oo leh karti, hufnaan iyo aqoon waa guul siyaasadeed oo shacabka Waqooyi Bari State gaareen. Waxa aan rajaynayaa in hoggaankan cusub uu door muuqda ka qaadan doono xoojinta dowladnimada, horumarinta sharciyada iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed,โ ayuu yiri Dr. Muungaab.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mas’uuliyiinta la doortay u rajeeyay in alle u fududeeyo xilka loo igmaday.
โXilka aad qabateen waa masuuliyad qaran oo culus. Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idin waafajiyo caddaalad, hufnaan iyo adeeg shacab oo horseeda nabad iyo horumar,โ ayuu yiri Duqa Muqdisho.













