Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia, mudane Alper Aktaş, kaasoo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo deeq gargaar ah qaybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhankiisa, Danjire Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab-taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.
Ugu dambeyn, Danjiraha cusub ee Turkiga u joogi doona Somalia ayaa horay sidan oo kale kulammo ula qaatay qaar ka mid ah madaxda dalka oo uu ku jiro gudoomiyaha gobolka Banaadie ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.















