Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Danjiraha cusub ee Turkiga u joogi doona Soomaaliya: SAWIRRO

0
238

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Alper Aktaş.

Duqa Muqdisho ayaa danjire Alper Aktaş ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo igmaday, waxa uuna sheegay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya oo xilliyo adag soo garab-taagnaa.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, sii wadista mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Turkiga iyo hay’addaheeda ka fuliyaan Muqdisho iyo sidii loogu wada-shaqeyn lahaa mashaariicyo cusub oo lagu horumarinaayo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Danjire Alper Aktaş ayaa ugu mahad-celiyay Duqa Muqdisho soo dhaweynta walaaltinimo ee loo sameeyay, wuxuuna tilmaamay inuu sii xoojin doono wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac iyo xoojinta mashaariicda lagu hormarinaayo caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here