Wareegto ka s baxday Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu joojiyay in gudaha garoonka diyaaradaha lal galo hubka iyo gadiid dagaalka, gaar ahaan xiliyada ay graoonka ka dhoofayaan ama ay soo degayaan masuuliyiinta.
Ujeedka wareegtadaan amarkaan ayeey Wasaaradda amniga u sababeysay inay tahay kor u qaadida amniga garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha garoonka.
“Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ay ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde, si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada Madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu xusay wareegtada.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta kale, ayaa la faray in ay ciidamada la socda iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waa weyn.













