Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliso Ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta dhagax-dhigay MCH degmada Xamar-weyne.
Xaruntaan ayaa loogu adeegi doonnaa Hooyada iyo Caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Xamarweyne iyo degmooyinka ku teedsan.
Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah.
Waxuu xusay in Qorshaha iyo Hiigsiga Maamulkana uu yahay sidii Bulshada Caasimada ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayeesan.













