Olole Nadaafadeed laga sameeyay Caawa jidka dheer ee Ex-koontarool Afgooye: SAWIRRO

0
388

Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa caawa olole nadaafadeed ka sameeyay waddada dheer ee Ex-kontarol Afgooye.

Olalahan nadaafadeed ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Suudi ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo awaamiirta Duqa Muqdisho ee Waaxda Nadaafada oo kaashaneysa Waaxda Gaadiidka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay Magaalada ka wadaan olole Nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda Caasimadda.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Nadaafadda ayaa shacabka ku nool Caasimadda ugu baaqay in ay ilaaliyaan Bilicda guud ee magaalads iyo Nadaafadda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here