Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Ra’isul Wasaaraha Cusub ee DFS Mudane Xamsa Cabdi Bare, Gudoonada labada gole ee BFS, saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa si weyn usoo buux dhaafiyay barxada xarunta gobolka Banaadir.
Dadweynihii goobta ku sugnaa oo ay ka muuqatay dareen faraxadeed ayaa gacanta kusitay Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya halka qaar kale ay ku labis naayeen dareesya ka turjumaya astaamaha Qaranka si ay muujiyaan qiimaha ay lee dahay 26-ka Juun oo ah maalin ku weyn Ummada Soomaaliyeed waana taariikh ku xusan xiligii Gumeestaha Ingiriiska laga saaray gobolada Waqooyi sidoo kalana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya 26/June/1960.














