Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeer ku tagay xeryaha ay ku nool yihiin dadka dan-yarta ah ee ay saameynta ku yeesheen roobabkii xoogganaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey Muqdisho.
Mudane Saalax iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa faray hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka in ay si deg-deg ay ugu gurmadaan dadka u saameyey roobku, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa booqday qaar ka mid ah Waraha biyo-qabadka Caasimadda oo xiligaas uu Maamulka Gobolka Banaadir ka waday howlo biyo dhurid ah, waxuuna boggaadiyay doorkooda muhiimka ah.
Ugu dambeyn, Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir aha Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.














