Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Maanta Shir Guddoomiyay Kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada+Sawiro

0
537

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa furay shirka oo soconaya muddo laba maalin ah — waxaana lagu lafa-gurayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda #DanQaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here