Wasiirka Haweenka Oo Kulan Soo Dhaweyn ah loogu Sameeyay Aqalka Dowladda Hoose+Sawiro

0
488

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kusoo dhaweesay Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xubno ka tirsan Xafiiskeeda.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo La-taliyaha dhinaca Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha Madaxweynaha JF Soomaaliya Marwo Muno Cumar Xasan ayaa hoolka shirarka Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha Haweenka Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xubno isugu jiray Haweenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ay Agaasimeyaal qeyb ka ahaayeen.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay Haweeenka G.Banaadir uga qeyb qaadan lahaayeen Wacyigelinta Arrimaha Bulshada, Amaanka, Nabadeynta iyo Horumarinta Caasimadda ayaa waxaa soo agaasimey guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud (Jawaahir Baarqab)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here