Guddoomiye Madaale oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Ruushka u jooga Soomaaliya: SAWIRRO

0
339

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Mikhail Golovanov.

Duqa Muqdisho ayaa ugu mahad-celiyay danjiraha Ruushka booqashada uu ku yimid Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, dadaalkiisa ku aaddan xoojinta xiriirka labada shacab iyo doorka dowladda Ruushka ee garab-istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, danjire Mikhail ayaa bogaadiyay horumarada ka socda Caasimadda Muqdisho, isagoo dhankiisa xusay in maamulka gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonnaan arrimaha biniโ€™aadanimada, horumarka magaalada Muqdisho, iskaashiga iyo isku xirka labada Caasimadood.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here