Agaasimaha Arrimaha Dibadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Xasan iyo xubno wehlinayay ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Madaxda Hay’adda SAFA VAKFI ee dalka Turkiga kuwaasoo ka magaalada Muqdisho ka fulin doono mashruuc lagu hirgalinayo xarun waxbarasho oo ay ka faa’iideysan doonan 500 arday oo isugu jirta agoonta iyo kuwa danta yar, kuwaas oo wax lagu bari doono si lacag la’aan ah.
Mashruucan oo ay si wadajir ah u fulin doonaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey’addan laga leeyahay Turkiga ayaa ah mid lagu kafaala qaadayo waxbarashada caruurta agoonta iyo kuwa danta yar illaa ay da’doodu ka gaarayso 30-jir ah, sida ay uu sheegay Agaasimahaha Arrimaha Dibadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan.


















