Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee tiirka Soomaali Heshiis ah oo ka mid ah lixda tiir ee qorshaha Xukumadda Dan Qaran.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabka dhismeedka guddi hoosaadka iyo qorshe howleedka hortabinta u leh ee horyaalla xubnaha guddiga.
Ra’iisul Wasaare, Xamse Cabdi Barre ayaa faray xubnaha guddi hoosaadka in ay la yimaadaan howl karnimo iyo dadaal dheeraad si looga gun gaaro hirgalinta halbeegyada u degsan, kuwaasi oo uu tilmaamay inay aasaas yihiin xasillooni siyaasadeed iyo in horumar gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.