Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray xafiiska Waaxda Dad-dhigista ee Degmooyinka qaybta Waliyow Cadde ee Gobolka Banaadir, kaddib munaasabad afur ah oo caawa ka dhacday xarunta degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa dhagax-dhigay aargada cusub ee degmada Hodan. iyadoo munaasabaddan ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, siyaasiyiin, guddoomiyaha degmada Hodan, agaasimaha waaxda dad-dhigista iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Mudane Yuusuf Madaale) ayaa sheegay in xafiiskan uu adeegyada dhalashada iyo sugnaanta siin doono bulshada ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Xamarjajab iyo Waaberi.
Furitaanka xafiiskan ayaa qayb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee daadijinta adeegyada bulshada, iyadoo horay loo furay xafiiska waaxda dad-dhigista ee Qaybta Galbeed.














