Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar, Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ka qayb-galay shirka Maayarrada Magaalooyinka Dalka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, kaasoo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu furay Wasiirka Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah Maayarada Magaalooyinka Maamul-Goboleedyada dalka qaar ka mid ah Maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Qorahayahta iyo la-taliyaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dhanka Xuquuqda Carruurta.
Mudane Feysal Aftax oo khudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa mas’uuliyiinta ka yimid Dowlad-goboleedyada dalka ku soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay madasha noocan ah oo dhiirri-gelinaysa iskaashiga iyo aqoon is dhaafsiga maamulada dalka.
Ujeedadda ugu weyn ee madashaan ayaa ah in maayarrada magaalooyinka iyo degmooyinka Soomaaliya ay helaan madal ay iyagu leeyihiin ku wadaagi karaan aragtidooda, khibradooda, sidoo kalana ay noqoto meel ay isugu gudbiyaan wixii ay isku biirin karaan.
Sidoo kale, waxa ay noqonaysaa meel ay ku mideyn karaan cududdooda ka gudoomiyaal degmo, ayna ku wada raadsadaan wixii taageero lagama maar-maanka u ah horumarinta siyaasadaha magaalayinka iyo barnaamijyada kale ee dowladaha xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ugu dambeyn, Shirka madashaan ayaa waxaa ka qayb-galaya 19 Maayar oo ka kala socda degmooyinka iyo caasimadda dalka iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ah ee caawiya mashaariicda degmooyinka.