Maamo Soomaaliyeed oo daryeesha Caruurta Darbijiifka ah

0
460

Siraad Maxammed Aw Nuur oo ku caan ah Maama Ugaaso ayaa muddo laga joogo labo bilood, waxa ay billowday in wadooyinka Muqdisho ka aruuriso carruurta derbijiifka ah iyo kuwa agoomaha ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay u sameesay xarun lagu daryeelo laguna dhaqan beddelo si bulshada dib loogu soo celiyo.

Hooyadan oo afar sanno ka hor dib uga soo laabatay qurbaha go’aansatana in ay ka qeyb qaadato horumarka dalka ayaa ka naxday xaaladda ay ku nool yihiin carruurtan, waxana ay xarrun uga sameesay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay uga dhistay xarun lagu xanaaneeyo laguna daryeelo si nolashii ay ku jireen uga baxaan.

Waxay u warantay Weriye MaxamedKaafi Cali Muumin.

Xarunta Maamo Ugaaso ayaa waxaa hadda ku jira ku dhawaad 100 carruur ah, waxaana ay ku heestaan nolal fiican iyadoo sheegtay in ay uruurin doonto carruurta derbijiifka ah iyo kuwa agoomaha ee guud ahaan ku nool dalka.

“Hadafkeygu waa in carruurtaas ay helaan nolasha ay ku nool yihiin carruuta la nool waalidkooda ayna mustaqbalka noqdaan kuwa iyaga wax istara waddankana wax tara dan kale oo aan ka lee yahay ma jiro” ayey tiri Siraad Maxamed Nuur oo maanta ka marti ku ahayd barnaamijka Muqdisho iyo Maanta ee ka baxa Idaacadda Codka Gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha xarunta lagu daryeelo Caruurta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here