Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulan looga arinsanayay hirgelinta doorashada, uu shir gudoominayay Ra’iisul Waraaha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka soo qeyb galay Madaxda dowlad goboleedyada, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Maamulka G/Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulanka kadib ku dhawaaqay in xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xukuumadda ay diyaarisay ciidamadii sugi lahaa amniga doorshada.
Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada iyo Duqa Muqdisho ayaa dhankooda aqbalay soo jeedinta Ra’iisul oo ahaasi dhaqso ah loo hirgeliyo qabsoomida doorashada.



















