Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamhuuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mr. Alberto Vecchi, iyada oo kulankan ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qaybta guud ee Gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay ka mid yihiin xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-gelinta mashaariicda ay dowladda Talyaaniga uga qayb-qaadanayso horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taallada darjiinka, Arbaca Rukun iyo xarunta Cassa Italia ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay codsatay safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaas iyagu lahaa.