𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚/𝗕𝗮𝗻𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗢𝗼 𝗗𝗲𝗲𝗾 𝗥𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗵 𝗚𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝗰𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹 𝗞𝘂𝘀𝘂𝗴𝗮𝗻 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗮𝘅𝗱𝗮+𝗦𝗮𝘄𝗶𝗿𝗼

0
222

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Deeq Raashiin ah gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Degmada Kaxda kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada dalka kadib markii ay saameen kusoo yeesheen Abaaraha ka jira guud ahaan dalka. Deeqdaan ayaa ah mid ka timid Dowladda Emarat-ka Carabta isla markaana lasoo marsiiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay xooga saaray sidii wax loogu qaban lahaa dadka soo barakacay ee abaaraha soo saameeyeen, Asigoona sheegay in guud ahaan Maamulkiisa uu xooga isugu geyn doono u gurmashada dadka kusoo barakacay Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer Gobol Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa sheegay in iyagoo fulinayo awaamiirta Duqa Magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan qorshaha wax loogu qabanaayo dadka barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here