Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir , mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo Interlock oo isku xiraya labada laami ee waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan.
Dhismaha waddadan ayaa waxaa iska kaashanaya bulshada iyo maamulka degmada Kaaraan, taas oo qayb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar ee lagu horumarinayo kaabayaasha isku socodka bulshada.
Guddoomiye Xasan ayaa bulshada iyo maamulka degmada Kaaraan ugu baaqay in ay sii laba-jibaaraan horumarinta iyo casriyeynta waddooyinka degmadaas.
Ugu dambeyb, Munaasabada dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan mudane Faarax Cadaani, odayaasha-dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Kaaraan.























![Golaha Wasiirrada XFS Ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Qaran [NTP 2025-2029]: SAWIRRO](https://codkacaasimadda.com/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1740323508606-218x150.jpg)







