Mdaxweynaha Hirshabeele oo baaq u diray shacabka Hiiraan

0
94

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE ayaa codsaday in si Wadajir ah looga qeyb qaato dagaalka lagu ka jiro Alshabaab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga ciribtirayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab oo gabalkoodu sii dhacayo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxyadii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here