Kulan looga halday sidoo wax looga qaban lahaa dilalka loo geysto wadayaasha Bajaajyada ayaa lagu qabtay maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo kulankan uu shir-guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, guddoomiyaha iskaashatooyinka Gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir, agaasimaha gaadiidka iyo ganaaxyada dowladda Hoose Cabdi Muxyadiin, taliyaha booliiska Soomaaliya Jen. Sulux Axmed Firin, taliyeyaha booliiska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, taliyaha sirdoonka Gobolka Banaadir Muxyadiin Warbac iyo qaar ka mid ah shirkadaha ka ganacsada Bajaajta.
Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulanka ka jeediyay hadal kooban ayaa sheegay in gacan ku dhiiglayaashii ku lug lahaa dilalka Bajaajleyda dhammaantood gacanta lagu hayo ayna xiran yihiin, lana marsiin doono sharciga.
Guddiyada Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay xaaladaha ay ku shaqeeyaan Bajaajleyda iyo dhibaatooyinka ay ku qabaan marista waddooyinka caasimadda.
Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin ayaa dhankiisa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan cid walba oo khatar ku ah nafta iyo hantida muwaadinka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in qof walba oo halis ku ah nolosha shacabka iyo ammaanka caasimadda lala tiigsan doono sharciga.














