Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Caddow ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Wada shaqeynta Wasaarada Caafimaadka Iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Horumarinta Adeega caafimaadka iyo Qorshaha la xariira sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanada laga xoreeyo kooxaha Argagixisada.














