Agaasime ku xigeenka Waaxda Agoonta iyo Daryeelka dowladda Hoose ee Xamar, ilhaan Aweys Axmed ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta agoonta ee degmada Boondheere, waxa ayna halkaas kula kulantay maamulaha xarunta agoonta Boondheere, Maamo Nuurto Maxamed Caddoow.
Agaasime Ilhaan Aweys waxaa kormeerka ku wehliyay Gudoomiye Degmada Boondheere Mudane Maxamed C/llaahi Cumar (Deeyoow).
Sidoo kale, Intii ay kormeerka ku jireen waxa ay u kuur-galeen xaaladda agoonta iyaga oo ka xog-wareystay Maama Nuurto oo iyadu isu taagtay wax u qabashada iyo daryeelka agoonta degmada Boondheere.














