SAWIRRO: Shirkii Golaha Wasiirrada oo lagu Meel-mariyay Qodobo muhiim ah iyo Warbixinno laga Dhageystay Wasiirro

0
240

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka bedelka sharciga maareynta qandaraasyada iyo heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga arrimaha la-dagaallanka musuqmaasuqa ee u dhexeeya hay’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa dhinaca kale ka dhageystay wasiirada amnga gudaha iyo Gaashaandhigga XFS warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here