Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta degmada Dharkeynley kulan afur ah kula qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyaradda iyo qaybaha bulshada.
Afurkan oo qayb ka ah afur-wadareedyo maamulka gibolka Banaadir uu bishan bsrakeysan ee Ramadaan ku qabanayo degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyeyaasha qaybta guud ee booliska iyo nabad-sugidda Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Caasimadda, saraakiil iyo marti sharaf kale.














































