Madaxweynaha oo daah furay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

0
19

Mudaneyaal iyo Marwooyin, markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shacabkeena taagta daran.

Waxa aan qaaday tallaabooyin aan u arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama xalka dhibaatooyinkaasi uu ku jiro “Soomaali Heshiis ah”

Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga isugu geyneysaa hiigsiyada soo socda:
• Soomaaliya Sharcigu Sarreeyo.
• Soomaali Heshiis Ah.
• Soomaali Dunida Heshiis La Ah.
• Soomaaliya Isku Filan.
• Soomaaliya Cagaaran.
• Dhisidda hay’ado Tayo Leh oo Bixin Kara Adeeg Hufan.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaan boggaadinayaa howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda. Sidoo kale inaad dhisteen guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii idinku matali lahaa barlamaanada caalamka.
Waxaan sidoo kale, bogaadinayaa xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed ee u istaagay inay iska xoreeyaan khawaarijta. Waxaad shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqoteen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka.

Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena.

Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan Dalka oo dhan aan uga xoreyn laheyn cadawagaas.

Dib-u-xoreynta Dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sareeyo; waxaad ogsoon tihiin in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ay ku baaraarugeen dhagarta cadawga iyaga oo garowsaday in Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin Khawaarij ka been sheegaya diinteenna suuban kuna dhiirraday in ay iska dulqaadaan dulliga iyo heeryada KHAWAARIJTA ku soo gabatay diinteena. Abwaan Soomaaliyeed ayaa horay u yiri:

• Nin dayoobay soo noqay markuu waagu daalaco e
• Dadweynahii la lumiyaa mar uun bay dowga helayaan

Dowladdeydeena, iyada oo aan muddo badan xafiiska joogin, waxay garatay in kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed uu kaalin mug leh ku leeyahay sidii Khawaarijta Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa annaga oo aaminsan in Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidankooda oo is kaashanaya ay ku guuleysan doonaan dib-u-xoreynta deegaannada ku haray gacanta cadawga Khawaarijta. Tusaale bilaw ah waxaa noogu filan dagaallada ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeellaaha Dhexe, iyo Galgaduud.

Waxaan shaki ku jirin in maadaama aan dagaal ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka aan waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday.

Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta meelmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay.

Xildhibaanada Soomaaliyeedoow Walaalayaal,

Aniga oo maanka ku haya in la helo jawi siyaasadeed oo xasilloon kaasi oo saamaxaya in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimaha masiiriga ah ee u baahan heshiisyada siyaasadeed.

Waxaan booqasho ku tagay inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan sidoo kale yeelanay saddex kulan Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan ku lafo-gurnay xoojinta hannaanka wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo isla meel-dhigidda qodobbada waaweyn ee ay tahay in xalkooda si mid ah looga shaqeeyo, sida dhammaystirka dastuurka dalka oo wakhti badan qabyatirkiisu soo jiitamayay, dhammaystirka hannaanka amniga qaranka si loo helo hannaan lagu midaysan yahay oo qayb mug leh ka qaata xorreynta iyo la dirirka Khawaarijta; helidda nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay; mudnaan-siinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo midda bulsho ee guud ahaan dalka; arrinta xal u helidda Somaliland iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul iyo in-qancin; xoojinta iyo dhammaystirka nidaamka federaalka; dhammaystirka iyo taabbagelinta hannaan garsoor oo madaxbannaan isla markaana hufan.

Maaddaama ay waajib tahay in dowladnimadeennu ay ka tarjunto baahiyaha shacabka loogu adeego, waxa aan sidoo kale shirar kala duwan oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed oo aan ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan arrimaha ay u arkaan in mudnaanta la siiyo inta lagu gudajiro muddo-xileedkayga.

Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu habboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda.

Dhammaan safarradaas waxa aan kala soo laabannay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh, iyada oo aan isu dheelli-tirayno danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu waxa uu la tacaalayaa xaalad adag oo ka dhalatay jiilaalka iyo abaaraha daba-dheeraaday ee ragaadiyay nolosha dadkeenna ku tiirsan dhaqashada xoolaha, kaluumeysiga iyo tacabka beeraha. Saamaynta abaartaas ka dhalatayna ma saamayn keliya dadka balse waxa ay dhaawac u geysatay dhaqaalaha guud ee dalka maaddaama xoolaha iyo beeruhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaheenna.

Si abaartaas looga hortago, dalkana looga badbaadiyo macluul baahda oo gallaafata dadka, waxaan qaadnay Tilaabooyin isagu jira u qareemid uu hormuud u yahay Eragyaga Gaar ka ah ee abaaraha. Waxaan dhisnay Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada taas oo durbaba ka howlgashay sidii loo gaari lahaa Soomaaliya Cagaaran oo deegaankeedu dhowrsan yahay lehna dhammaan siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah maareynta arrimaha deegaanka.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Dowladnimo waxaa udub dhaxaad u ah dhismaha hay’ado ku dhisan sharci oo awoodi kara in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. Hay’adaha noocaan ah waxay innooga baahan yihiin tayeyn joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dadka ka shaqeynaya hay’adaha dowladeena.

Nolosheena, guusheena iyo Qaranimadeena waxaa aas-aas u ah inaan ka shaqeyno Garsoor ku dhisan cadaalad. (وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ). Dib-u-dhiska dowladnimadeenna waxay u baahan tahay garasho, wadatashi, kalsooni dhisid, iyo go’aanno ku yimaada cadaalad iyo garsoor loo simanyahay. Taasi oo sahlaysa inaan dejisanno xeerarka iyo shuruucda hagaya geeddi socodka dowladnimadeennaa.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Ugu dambeyntii, waxaan rabaa in aan hoosta-ka-xarriiqo kaalinta Baarlamaanka Federaalka uu ku leeyahay hirgelinta dhammaan himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan ku shaqeyno dareen iskaashi iyo wada-shaqeyn innaga oo mudnaanta siineyna dejinta dhammaan shuruucda loo baahan yahay iyo fulintooda.

Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiigsigoodu yahay arrimaha aan soo dulmaray.

Walaalayaal, waxaan heysannaa fursad qaali ah oo aan Dalka iyo dadkaba ku samatabixin karno. Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu qof kasta uu ka qaato dadaalka iyo Halganka maanta socda ee dowladnimadeena u baahan tahay.

Xildhibaanada Soomaaliyedoow walaalayaal,
Gebogabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa abayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay tariikhda xusi doonta. Sidaas daradeed, hogaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanen fursadan ina seegin.

Haddaba, aniga oo gudanaya waajibkeyga dastuuriga ah sida ku cad Qod.90aad (g) ee Dastuurkeena, waxaan ku soo gebagebaynayaa hadal-jeedinteyda, “Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inoo furan yahay.”

Soomaaliya ha midowdo!

Qaranku ha guuleysto!
DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here