Agaasimaha Suuqyada Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Furitaanka Mashruuc ay ku baxayso Malaayiin Doollar: SAWIRRO

0
555

Agaasimaha Suuqyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Macallin Dhicisoow ayaa ka qaybgalay munaasabad uu xarigga uga jaray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada Geeska Afrika, kaasoo ay maanta saxiixday Dowladda Federalka Soomaaliya.

Mashruucan ayaa socon doona muddo afar sano ah, waxaana ku baxaysa lacag gaaraysa 24-Milyan oo doollar, waxaana furitaanka goobjoog ka ahaa; wasiirrada cadaaladda, caafimaadka iyo arrimaha gudaha Soomaaliya, iyada oo sidoo kale ay joogeen wasiirrada xannaanada xoolaha maamul-goboleedyada dalka qaarkood.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo faah-faahin ka bixiyay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada Geeska Afrika, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar-garoobo sidii looga faa’iideysan lahaa mashruucan oo u leh Soomaaliya faa’iido aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here