Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha culummada Soomaaliyeed kaasoo socon doona muddo afar maalmood ah.
Shirkan ayaa culummada ka qaybgalaysa waxa ay u badan yihiin kuwii dalka joogay, iyadoo ay dibadda ka yimaadeen culumaa’uddiin fara badan oo qaarkood muddo fog ay dalka ugu dambeysay.
Sheekh Usuuli “La dagaallanka fikirka gurracan ee xagjirnimada waxa uu ka mid yahay saddexda qorshe ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu u jeexay hiigsiga xoreynta dalka”.
Muddada uu socdo shirkan ayaa waxaa looga doodi doonaa dhawr qodob oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka ay dowladdu kula jirto argagaxisada oo culummada looga fadhiyo inay sheegaan inuu yahay mid aan ku saleysnayn diin iyo caqiido.
Sheekh Aadan Suufiyare “In maanta shirweyne loo qabto culumada Soomaaliyeed waxay guul-weyn u tahay dowladnimadeena, tallaabadaan waa mid taariikhi ah.”
Waxaa laga doonayaa in shirkan lagu dhiso hay’ad mideynaysa culummada Soomaaliyeed oo hoos-tegi doonta dowladda Soomaaliya, si halkaas looga go’aamiyo arrimaha ku saleysan diinta ee dalkaan iyo dadkaan waxtarka u leh.
Guddoomiyaha Culumada Galmudug Sheekh Muxudiin Sheekh Yuusuf “Xujada Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta na dul-dhigay waa mid naqabata, wuxuuna noo cadeeyey in masuuliyadiisa uu qaatay.”
Shirkan marka lasoo gabagabeeyo ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed shacabka Soomaaliyeed u bayaanin doona saxnimada dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo xulufadooda.













