SAWIRRO: Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose kusoo dhaweeyay culummo Soomaaliyeed

0
366

Guddoomiyaha Goboolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah ee ka qeybgalay shirka culummada Soomaaliyeed ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa soo dhaweyn kaddib shir-guddoomiyay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay guddoonka sare ee maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, agaasimayaal, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo culummada Soomaaliyeed.

Mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee kulanka ka qaybgalay ayaa qaarkood sharxay waxa ay diinteenna suuban ka qabto fikirka xagjirnimada iyo daadinta dhiigga qofka muslimka ah, iyaga oo sheegay in Khawaarijta ay ka been sheegeen Diinta Islaamka oo ah diin naxariiseed.

Culummada ayaa ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaallanka Khawaarijta iyo in laga ciribtiro dalka, si looga badbaado dhagartooda.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay culummada Soomaaliyeed sida ay u caddeeyeyn mooqifkooda ku aaddan la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah ee Khawaarijta iyo in meel loogu soo wada-jeesto la-dagaallanka Khawaarita.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here