Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Seynab Aadan Saalax oo la dhibaateysan xanuun ka haleeyay lugta midig, taas oo waddanka gudihiisa aan wax looga qaban karin.
Duqa Caasimadda ayaa marka uu arkay xanuunka iyo dhibaatada caafimaad ee Seynab Aadan Saalax, waxa uu ballan-qaaday in Allaha ka sokow uu wax ka qaban doono xaaladdeeda caafimaad, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaadi doonno dalka dibadiisa, si wax loogu soo qabto xaaladdeeda caafimaad.
Ugu dambeyn, Ballanqaadka uu Duqa Muqdisho u fudiyay dhubbane Saynab Aadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo 12-kii bishan ay dalka kusoo laabatay Ramla Cabdullaahi Cali oo iyadana dalka Hindiya looga soo daweeyay xanuun noocan oo kale ah oo ka haleelay lugta bidix.













