Masaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kanhadlayay shalay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso la dagaalanka Khawarijta si dhibaatadooda uga dulqaadaan shacabka Soomaaliyeed.
“Khawaarijtu waxa ay wadaan ma ahan diin, cid.kastana waa ogtahay sida ay shacabka ula dhaqmaan, waayo dadkeenna 70% waa reer miyi, dhibaatada ay kooxdan ku haysana waa laga wada dharagsan tahay, waana taas midda aan ula dagaalamayno kooxdan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii ay xafiiska yimaadeen qorshayaasha ugu horreeya ee ay dajiyeen ay tahay inay xoogga saaraan sidii ay u xallin lahaayeen dhibaatada markii la xalliyo ay xallismayaan dhibaatooyinka ku hareereysan, waana dagaalka hadda socda ee guulaha waaweyn laga gaaray.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor-istaagaan ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor-keenayaan qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waa inaa ka feejignaannaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka ciribtirka Khawaarijtu dhawaan uu ka billaaban doono Jubbaland iyo Kuunfur-galbeed, waxaana rabnaa in waqti ka yar kii wejigii koowaad uu kusoo dhammaado.













