Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay Qorahaha Dhameystirka Dastuurka kuna baaqay in la isku kaashado dowlad-dhiska: SAWIRRO + MUUQAAL

0
235

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey afur wadareedka sanadlaha ah ee is aragga xukuumadda iyo bulshada ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay hormuud u noqdaan dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay si aanu dalku u gelin hubinta la’aan siyaasadeed ay muhiim tahay in hadda la sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u iman muran siyaasadeed doorashooyinka la xiriira.

“Berri marka uu haro waqti yar, haddii aan dhahno waxa aan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti la’aan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talogalay u galo doorasho aan muran lahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo nale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurka KMG ah ee horyaalla baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas oo u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

Mudane Xamsa ayaa xusay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hey’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in amniga caasimadda uu ka muuqdo isbeddel u baahan in horey loo sii wado, isaga oo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ciribtirayo dhaqamada xun-xun ee dhaawacaya bulshada diinteeda iyo dhaqankeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here