Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka Dowlada Swedan ee Soomaliya Petra Smitmanis Dry.
Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta dowladda Sweden ay ku lee dahay dib u soo kabashada Dalka taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa horumarada dalka gaar ahaan Gobolka Banaadir.
Guddomiyaha Gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababarada ay siiyaan shaqaalaha Dowladda Hoose iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.
Safiir ku xigeenka Safaarada Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha uu u hayo Bulshada caasimadd.
Kulanka ayaa ku soo Dhammaaday isfahan iyadoo la isla gartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen labada dhinac.













