Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay dublamaasiyiinta ka hawlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman marti-soorka iyo soo dhaweynta.
Madaxweynaha DFS yaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibbada caalamiga ah ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna soo bandhigay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ee QM Mr. Antonio Guterres ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, isagoo sidoo kale safar gaaban ku tagay Magaalada Baydhabo, booqdayna xeryaha barakacayaasha.























